Ciidamo Ka Goostay Dowladda Federaalka Oo Ku Biiray Garabka Lafta Gareen

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad amni oo aad u kacsan, kadib markii ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in maalin kasta ay 30 illaa 40 askari ka goosanayaan ciidamada dowladda, kuwaas oo ku biiraya ciidamo taageersan Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo ku sugan qaybo kamida gobolka Baay.
Wararka ayaa tilmaamaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto dagaal toos ah oo ka qarxa Baydhabo saddexda maalmood ee soo socota, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn laga dareemayo gudaha magaalada.
Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in maanta lagu arkay goobo istiraatiiji ah dagaalyahanno isku magacaabay “RRA-da Cusub,” kuwaas oo hubeysan isla markaana si weyn u abaabulan, arrintaas oo sare u qaaday cabsi laga qabo in Baydhabo mar kale gasho xaalad hubanti la’aan amni iyo qalalaase siyaasadeed.
Dadka shacabka ah ayaa durba bilaabay walaac xooggan oo ku saabsan suurtagalnimada dagaal ka dhaca magaalada, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo abaabulka maleeshiyaadka ay sii hurinayaan jawiga cakiran ee ka jira Baydhabo.









