LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Dhul Boobka Dowladda Federaalka oo gaaray Afgooye & Ganacsato Laga Iibinayo…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay heshiisyo qarsoodi ah kula gashay ganacsato ka yimid gobollo kala duwan iibinta dhul kuyaalla Faras-magaalaha degmada Afgooye, iyadoo la sheegay in lacagaha laga helayo loo adeegsanayo doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in dhulkan uu yahay mid ay hadda dad degan yihiin, balse dowladda ay dardar gelisay qorshaha iibinta, xilli guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe la sheegay inuu wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo cabashooyin dhaqaale oo la xiriira kursiga loo xiray.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah lacagaha heshiisyada la kala hormarsaday, hase yeeshee ganacsato badan ay walaac xooggan ka muujiyeen sharciyadda dhulka, maadaama aan la qabsan karin kahor 15-ka May.

Ganacsato isku dayay inay dib uga gurtaan heshiisyada ayaa la sheegay in loo sheegay inaan wax lacag celin ah jiri doonin, taas oo abuurtay xiisad iyo jahwareer hor leh.

Sidoo kale, xawliga cagafta iyo dhaqdhaqaaqyada cusub ee ka socda deegaanka ayaa loo aaneynayaa dadaal ay wadaan ganacsatada iyo dadkii dhulka loo saxiixay, kuwaas oo doonaya inay kahor 15-ka May qabsadaan dhul kasta oo ay waraaqihiisa haystaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *