LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Oo Ciidamo Geyneysa Dhuusamareeb Xilli QoorQoor Iyo Xasan Sheekh Ay Isku…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ciidamo kala duwan kasoo qaadayso fariisimaha Xarardheere, deegaannada Qeybta 21-aad iyo Xananbuure, kuwaas oo dib loogu ururinayo magaalada Dhuusamareeb si loogu adeegsado howlgal amni sugid, sida ay sheegayaan ilo ku dhow Villa Somalia.

Wararka ayaa intaas ku daraya in taliyeyaasha ciidamada amniga DFS ay aroornimadii hore maanta ka ambabaxayaan Muqdisho, iyagoo ku wajahan garoonka Dhuusamareeb, halkaas oo lagu wado xilwareejinta Taliyihii Booliska ee xilka laga qaaday iyo la wareegista taliyaha cusub.

Dowladda Federaalka ayaa si weyn u xoojinaysa amniga magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dadaal ugu jirta hirgelinta qorshaha doorashooyinka qof iyo cod ah, inkastoo qorshahaasi aanu weli haysan heshiis siyaasadeed oo ballaaran. Hoggaanka Galmudug ayaa la sheegay inay taageero u muujiyeen qorshahan.

Warar hordhac ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamo Boolis gaar ah lagu biirin doono howlgalka socda.

Dhanka kale, is-mandhaafka ka dhashay cidda heli doonta kaarka JSP ayaa cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), iyadoo durba la saadaalinayo in ay sii adkaan karto wada shaqeyntii iyo is-afgaradkii labada dhinac.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *