Reer Galbeedka oo si toos ah ula wareegay miiska siyaasadda Soomaaliya, Dowladda & Mucaaradka oo…

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wakiilada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kooxda C+, ay bilaabeen dadaallo xooggan oo lagu dhex-dhexaadinayo khilaafka u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa tilmaamaya in Reer Galbeedka ay si rasmi ah uga dalbadeen labada dhinac in ay ka qeyb galaan kulan muhiim ah oo ka dhici doona gudaha xarunta Xalane, kaas oo ujeedkiisu yahay dhexdhexaadin iyo xal u helidda muranka siyaasadeed.
Xogaha hoose oo ay heshay Banaadir24 Online, ayaa sheegaya in labada dhinac ay aqbaleen dhex-dhexaadinta, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay miiska saaraan soo jeedintooda, iyadoo kulanka ay hoggaamin doonaan wakiilo caalami ah oo ka socda dalalka awoodda leh ee Reer Galbeedka.
Golaha Mustaqbalka ayaa hore u cadeeyay in aysan si toos ah ula fariisan doonin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse ay doorbidayaan dhexdhexaadiyayaal madax bannaan si xal waara loo gaaro.
Sidoo kale, kulankan lama filayo in uu yeesho warbaahin ama sawirro, iyadoo habraacyada shirka si adag loo ilaalin doono.
Dhanka kale, Talaadadii u dambeysay ee bishii April, mid ka mid ah safiirada Reer Galbeedka ee ku sugan Xalane ayaa digniin culus u diray labada dhinac, isagoo ku hanjabay in ay dalka ka bixi doonaan haddii aan heshiis laga gaarin arrimaha doorashooyinka iyo marxaladda kala guurka ka hor 15-ka bishan.









