LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mareykanka oo war culus kasoo saaray muranka Doorashada Soomaaliya, Qalbigana jabiyay Mucaaradka

Sii-hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, ayaa sheegay in Mareykanku uu si dhow ula socdo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu ku adkaynayo in xal kasta oo lagu dhammeynayo khilaafaadka uu ku yimaado wada-hadal iyo is-afgarad u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.

Justin Davis ayaa caddeeyay in Mareykanku aanu hoggaaminayn ama martigelinayn dhex-dhexaadin rasmi ah, balse uu dhiirigelinayo in dhinacyada siyaasadda ay si toos ah u wada hadlaan si loo yareeyo xiisadaha taagan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu gacanta ugu jiro shacabka iyo hoggaamiyeyaasha dalka, ayna muhiim tahay in xalalka siyaasadeed ay ka yimaadaan gudaha dalka, halkii laga sugi lahaa faragelin dibadeed.

Davis ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay muujiyaan masuuliyad, kana fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara amniga iyo xasilloonida dalka. Waxa uu si gaar ah u xusay inaan marnaba la aqbali karin in la beegsado banaan baxayaal nabadeed.

Markii wax laga weydiiyay mowqifka Mareykanka ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda, isla markaana nidaamka iyo waqtiga doorashooyinkana ay iyagu go’aamiyaan.

Ugu dambeyn, Mareykanku wuxuu sheegay in uu rajeynayo in wadahadallada socda ay keenaan horumar muuqda, si looga fogaado qalalaase saameyn kara mustaqbalka dalka iyo xasilloonidiisa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *