LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xildhibaanad Kashiftay Khasaaro Naxdin Leh Oo Ciidamada Dowladda Kasoo Gaaray Dagaalka Al-Shabaab

Xildhibaanad Faa’iso Jeeyte ayaa shaacisay arrin naxdin leh oo ku saabsan khasaaraha ciidamada dowladda Soomaaliya kasoo gaaray dagaalka Al-Shabaab, iyadoo sheegtay in askar badan lagu waayay howlgaladii dalka ka socday sanadihii u dambeeyay.

Xildhibaannada ayaa sheegtay in ciidamada la qoray sanadkii 2023 oo lagu qiyaasay 15,000 askari, ku dhawaad 10,000 oo kamid ah lagu dilay dagaalladii lala galay Al-Shabaab, halka qiyaastii 5,000 oo kaliya ay weli firfircoon yihiin.

Faa’iso Jeeyte ayaa sidoo kale tilmaamtay in Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaanno badan oo hore looga saaray, iyadoo sheegtay in dowladda aysan awoodin inay sii haysato inta badan goobihii lagu dagaallamay.

Waxay sheegtay in xaaladda amni ee dalka ay weli tahay mid adag, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan weerarro joogto ah, qaraxyo iyo cabsi amni oo sii kordheysa.

Dhanka kale, saraakiil amni ayaa sheegay in Al-Shabaab ay wali joogitaan ku leeyihiin duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanada Basra iyo Hawaadley, halkaas oo kooxda ay ka sameyso dhaqdhaqaaqyo militari iyo weerarro qorsheysan.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan waxqabadka ciidamada ammaanka Soomaaliya, khasaaraha dagaalka, iyo heerka uu marayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *