LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliye iyo ciidamo ka goostay Dowladda Federaalka oo ku biiray Ciidanka Laftagareen

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Taliye ku xigeenkii Garoonka Diyaaradaha Baydhabo uu saaka aroortii la goostay 17 askari oo hubeysan, kuwaas oo watay labo qori oo nooca BKM ah iyo hal gantaal RPG-7 ah.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, taliyaha iyo ciidamadiisa ayaa ku biiray xoogag daacad u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen, kuwaas oo fariisimo ku leh duleedka magaalada Baydhabo.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa militari ee ka taagan Baydhabo, iyadoo la sheegayo in ciidamada taageersan Lafta-Gareen ay wadaan abaabul ka dhan ah ciidamo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya geysay magaalada, kuwaas oo taageero ka helaya Villa Somalia.

Banaadir24 Online, ayaa ogaatay in dowladda federaalka maalmihii u dambeysay ay ciidamo xooggan oo ka tirsan Gorgor iyo agab kale oo milatari ay ka dajisay magaalada Baydhabo si ay uga hortagto dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Laftagareen.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow dagaal laga dareemayo qeybo ka mid ah magaalada iyo duleedkeeda, iyadoo shacabka Baydhabo ay ka cabsi qabaan in xaaladdu isu beddesho iska horimaad hubeysan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *