Booliiska Gobolka Banaadir Oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Bannaanbaxyada Ay Mucaaradka…

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir, ayaa shacabka ku nool magaalada Muqdisho ku wargeliyay in aan maalinta berri ah la oggolaan doonin bannaanbaxyo hubeysan, rabshado wata, ama isu-soo-bax kasta oo halis gelin kara amniga iyo xasilloonida Caasimadda.
Laamaha Ammaanka ayaa sheegay in kaliya la oggol yahay bannaanbax nabadeed oo waafaqsan sharciga iyo nidaamka amniga, kaas oo lagu qaban doono EGN Yariisoow. Sidoo kale waxaa si adag loo mamnuucay in hub lagu dhex qaato goobaha isu-soo-baxyada ama la sameeyo abaabul sababi kara qalalaase iyo rabshado.
Booliiska ayaa shacabka uga digay inay ka fogaadaan kooxaha iyo shaqsiyaadka ku howlan hurinta rabshadaha iyo falalka lidka ku ah amniga guud ee magaalada Muqdisho.
Hay’adaha Ammaanka waxay sheegeen inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo falal sharci-darro ah ama ku lug lahaanshaha bannaanbaxyo hubeysan.
Ugu dambeyn, shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka si loo ilaaliyo nabadda, deganaanshaha, iyo xasilloonida Caasimadda Muqdisho.









