Qoor Qoor Oo Ammaankiisa Si Weyn Loo Adkeeyay Kadib Ciidamo Dowladda Federaalka Geysay Dhuusamareeb

Ciidamo aad u fara badan oo amniga sugaya ayaa caawa lagu daadiyay dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee gala Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu haatan ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in xaaladda amni si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada kala duwan ee ammaanka ay xireen waddooyin dhowr ah oo ku dhow xarunta madaxtooyada. Dadka shacabka ah iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi ayaa lagu soo rogay baaritaanno adag, waxaana la dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn gudaha magaalada.
Ilo wareedyo ku dhow maamulka Galmudug ayaa tilmaamaya in tallaabooyinkan amni ay la xiriiraan cabsi laga qabo xaalado amni darro iyo xiisado siyaasadeed oo maalmahan ka jiray gudaha maamulka xilli dowladda federaalka ay ciidamo geysay qeybo Kamid ah magaalada Dhuusamareeb.
Goob joogayaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamo hubeysan lagu arkayay isgoysyada muhiimka ah, halka qaar kamid ah waddooyinka waaweyn gabi ahaanba la xiray. Waxaa sidoo kale la sheegayaa in ciidamada ilaalada madaxtooyada lagu kordhiyay cutubyo dheeraad ah oo si gaar ah u sugaya xarumaha dowladda.









