LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Muqdisho oo gashay xaalad kacsan, Jidadka oo xiran iyo ciidamo lagu daadiyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad amni oo aad u kacsan ay saaka ka jirto caasimadda, kadib markii la xiray inta badan jidadka muhiimka ah ee magaalada, halka dhaqdhaqaaqii shacabka iyo gaadiidkaba si weyn loo hakiyay.

Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u fara badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, iyadoo ilaha deegaanka ay sheegayaan in si gaar ah loo adkeeyay goobaha ay deggen yihiin xubnaha mucaaradka iyo mas’uuliyiin hore.

Sidoo kale, dadka ku sugan magaalada ayaa sheegay in hawada Muqdisho laga maqlayay dhawaaqa diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah, taas oo la sheegay inay ka kacday Garoonka Aadan Cadde. Ilaa hadda lama oga ujeeddada ka dambeysa dhaq-dhaqaaqa diyaaraddaasi.

Waxaa si buuxda loo xiray waddada u dhexeysa Isgoyska Mirinaayo ilaa afaafka hore ee laga galo Garoonka Muqdisho, iyadoo wararku tilmaamayaan in tallaabadaasi la xiriirto xannibaad lagu sameynayo dhaq-dhaqaaqa hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Dhanka kale, mucaaradka iyo qaar kamid ah shacabka laga raray dhulkooda ayaa ku baaqay isu-soo-bax ballaaran oo lagu wado inuu billowdo 7:00 subaxnimo, xilli ay magaalada gashay jawi cabsi iyo feejignaan xooggan leh.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *