Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarig jaray xarumo dowladeed iyo waddooyin laga hirgeliyay Jowhar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Jowhar ka xarig-jarey mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo si wadajir ah u daah-furay xarunta cusub ee Madaxtooyada Hirshabeelle, Aqalka Baarlamaanka, xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Waxbarashada iyo waddooyin cusub oo laga dhisay magaalada Jowhar.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mashaariicdan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dowladnimada iyo adeegyada bulshada, iyadoo la xoojinayo bilicda iyo horumarka caasimadda Hirshabeelle.










