Al-Shabaab Oo Ka Hadashay Kiiska Cumar Cartan, Eedo Culusna U Jeedisay Mareykanka

Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay go’aanka dowladda Mareykanka ay ugu diidday gelitaanka garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah Cumar Cartan, iyagoo ku tilmaamay dhacdadaasi inay muujinayso waxa ay ugu yeereen cadaawad muddo dheer ka jirtay siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Soomaalida.
Bayaan ay soo saareen Arbacadii, Al-Shabaab ayaa ku dooday in kiiska Cumar Cartan uu yahay tusaale muujinaya takoorka iyo cadaadiska ay sheegayaan in Soomaalidu kala kulmaan Mareykanka.
Kooxdu waxay sidoo kale ku eedeysay Mareykanka inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana uu taageero dhinacyo gaar ah oo dano siyaasadeed leh.
Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu sii xoojiyay siyaasadaha ay ku tilmaameen kuwo cadaawad ku dhisan, iyagoo ku andacooday in diidmada gelitaanka Cumar Cartan aysan ku koobnayn arrimo amni oo keliya.
Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha cusub ee ka soo baxay Al-Shabaab, iyadoo hore loo sheegay in diidmada gelitaanka garsooraha ay la xiriirtay arrimo baaritaan iyo hubin amni.
Kiiska Cumar Cartan ayaa weli si weyn looga hadal hayaa gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda, iyadoo dad badan ay u arkaan dhacdadan mid saameyn ku yeelatay sumcadda iyo matalaadda Soomaaliyeed ee garoomada caalamiga ah.









