LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Musharrax lagu dilay degmada Afgooye iyo wararkii ugu dambeeyay

Murashax da’yar oo u taagnaa doorashada Golaha Deegaanka degmada Afgooye, Suleyban Axmed Guudle, ayaa xalay lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Goobjoogayaal iyo eheladiisa ayaa sheegay in rag hubeysan ay rasaas ku fureen Suleyban xilli uu ku sugnaa degmada, ka hor inta aysan goobta ka baxsan. Wararka ayaa tilmaamaya in marxuumka uu isu diyaarinayay ka qeybgalka doorashada Golaha Deegaanka ee la filayo inay dhowaan ka dhacdo degmada Afgooye.

Suleyban Axmed Guudle ayaa ahaa siyaasi dhalinyaro ah oo hore uga tirsanaa Golaha Deegaanka, waxaana lagu tilmaamay shaqsi si weyn uga dhex muuqday arrimaha bulshada iyo siyaasadda degmada.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku saabsan weerarka, mana cadda sababta ka dambeysay dilka. Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.

Dilkan ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray shacabka ku nool degmada Afgooye, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayaan welwel ku saabsan xaaladda amni ee degmada iyo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaadka siyaasadda ku lugta leh.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *