NISA oo Ka Hortagtay Qaraxyo Waaweyn, Kadib Markii La Helay Kayd Qarsoon

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo garabsanaya ciidanka deegaanka, ayaa ku guuleystay howlgal qorsheysan oo lagu fashiliyey walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa samaynta qaraxyada, kuwaas oo la sheegay in loo waday kooxda Khawaarijta.
Howlgalkan, oo muddo ay ku daba jireen hay’adaha ammaanku, ayaa lagu soo qabtay walxo kiimiko ah oo ku jiray in ka badan boqol jirgaan. Wararka ayaa tilmaamaya in kooxda Khawaarijta ay walxahan ku duugeen meel ku dhow deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay ogaadeen in ciidamada ammaanku ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqooda.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu beegsanayo ilaha dhaqaalaha, sahayda iyo agabka ay kooxdu u adeegsato fulinta falalka argagixisada. Sidoo kale, waxaa la xusay in la helay xog sirdoon oo horseeday in la ogaado goobta lagu qariyey walxahan halista ah, taasoo ugu dambeyn sahashay in gacanta lagu dhigo.
Howlgalkan ayaa loo arkaa guul muhiim ah oo lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, maadaama walxaha la qabtay ay ka mid ahaayeen agabka ugu muhiimsan ee loo adeegsan karo diyaarinta qaraxyada iyo weerarrada lagu bartilmaameedsado shacabka iyo ciidamada.
Hay’adaha ammaanka ayaa xoojiyey howlgallada ka socda deegaannada kala duwan ee dalka, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan daba-galka iyo burburinta shabakadaha Khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.









