Xasan Sheekh oo Bartilmaameedsanaysa Hubka Mucaaradka, Ilaalada Madaxdii Hore oo La Dhimayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddo qorshe cusub oo lagu adkeynayo xakameynta hubka lagu dhex haysto magaalada Muqdisho, iyadoo la doonayo in la hirgeliyo siyaasaddii hore ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada ee la xiriirtay sugidda amniga caasimadda.
Sida ay sheegayaan ilo amni, qorshahan cusub wuxuu diiradda saaraya in la yareeyo hubka iyo ciidamada gaarka ah ee ay haystaan siyaasiyiinta iyo masuuliyiintii hore ee dowladda, iyadoo la qorsheynayo in hubka culus iyo gaadiidka qoryaha lagu rakibay lagu koobbo gacanta dowladda.
Wararka ayaa tilmaamaya in madaxdii hore ee dalka, oo ay ku jiraan Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore, loo dejinayo tiro cayiman oo ilaalo ah, kuwaas oo ka tirsan ciidamada dowladda isla markaana ku diiwaangashan hay’adaha amniga. Hubka loo oggolaanayo ilaaladooda ayaa sidoo kale la xadidayaa.
Qorshaha ayaa sidoo kale saameynaya wasiirro iyo xildhibaanno hore, kuwaas oo la sheegay in loo oggolaan doono tiro kooban oo ilaalo ah oo ku hubeysan hub fudud, iyadoo dhammaan ilaaladaas laga doonayo inay ka tirsanaadaan ciidamada dowladda.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulammo la yeeshay saraakiil amni saacadihii la soo dhaafay, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta siyaasadda xakameynta hubka iyo in hubka culus lagu soo koobo gacanta dowladda Federaalka.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay weli taagan yihiin doodaha siyaasadeed ee ku saabsan amniga Muqdisho iyo hubka ay haystaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo masuuliyiintii hore ee dowladda.









