LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mareykanka oo Xasan Sheekh ku amray in ciidamada uu ka dulqaado mucaaradka

Warar laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in Safaaradda Mareykanka ay xiriir toos ah la sameysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu wargeliyay in la yareeyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda xaafadaha ay degan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in ciidamada la geeyay agagaarka Bangariyada iyo Buula-Xuubeey dib looga qaaday goobihii ay ku sugnaayeen, halka sidoo kale la raray gaadiid dagaal oo ku sugnaa jidadka waaweyn ee ku dhow deegaannada ay dagan yihiin madaxda mucaaradka.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, iyadoo mucaaradku hore uga digay in ciidamada loo adeegsado cadaadis siyaasadeed.

Lama helin wali war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Somalia ama Safaaradda Mareykanka oo xaqiijinaya xogtan.

Dowladda waqtigeedu dhammaaday ee Xasan Sheekh ayaa isku dayeysa inay awood milatari ku maquuniso mucaaradka kasoo horjeeda iyadoo sidoo kale isku dayeysa inay xukunkq kusii joogto awood milatari arrintaas oo walaac xoogan laga muujiyay lagana digay inay dhallin doonto foowdo iyo gacan kahadal xoogan oo saameyn doonta dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *