Wasiir hore oo war lama filaan ah ka sheegay doorashadii ka dhacday Baydhabo

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Fargeeti, ayaa si adag u dhaliilay doorashadii maanta ka dhacday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu qasbay shacabka.
Fargeeti, oo hadda ka tirsan mucaaradka, ayaa sheegay in habka doorashadu aanu waafaqsanayn dastuurka Koonfur Galbeed isla markaana uu horseedi doono xasillooni darro iyo dib u dhac siyaasadeed.
“Maanta waa maalin kale oo Koonfur Galbeed ay markhaati ka tahay hannaan doorasho oo la isku maquuniyey, sharciyaddiisuna muran ku jiro, kana hor imanaya dastuurka Koonfur Galbeed, taasoo sii hurin karta qalalaase iyo dib u dhac dhinac kasta ah,” ayuu yiri Fargeeti.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli muran xooggan uu hareeyay doorashada Koonfur Galbeed, iyadoo mucaaradku ay su’aalo ka keenayaan hufnaanta iyo sharciyadda geeddi-socodka doorashada.
Doorashada madaxtinimasa Koonfur Galbeed waxaa ku guuleystay guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe, iyadoo si weyn loo dhaliilay doorashadaan islamarkaana dowladda federaalka lagu eedeeyay inay musuqmaasuqday doorashada Koonfur Galbeed.
Xaaladdan Koonfur Galbeed ayaa ah mid aanan xasilneyn iyadoo ciidamada madaxweynihii hore ee loo awood sheegtay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay ku suganyihiin duleedka magaalada Baydhabo.









