Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Kulankii Golaha Wasiirada oo looga hadlay tallaabdii Cabdiraxmaan Cirro…
    LATEST NEWS

    Kulankii Golaha Wasiirada oo looga hadlay tallaabdii Cabdiraxmaan Cirro…

    Banaadir24By Banaadir2418 June 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho, Khamiis 18 Juun 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin tirakoobyo wadata oo ku saabsan Imtixaanka Qaranka Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Sanad-Dugsiyeedka 2025-2026, xaaladda amniga, dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

    Kulanka Golaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan qaban-qaabadda maalmaha xorriyadda iyo midoowga, iyo warbixin ku saabsan Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xoogga saaraya horumarka Qaranka.

    Golaha ayaa bogaadiyay doorashadii nabadda kusoo idlaatay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee qof iyo codka ahayd, iyada oo si gaar ah loogu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji oo ahaa Hoggaamiyihii Kumeel Gaarka ahaa ee maamulkaasi, intii lagu jiray xilligii kala guurka iyo doorashada.

    Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato. Golaha ayaa xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman.

    Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Ciidamada Amniga dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimadda, iyagoo ka hortagay falal amni-darro ah oo la doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka ka jira dalka.

    Kulanka ayaa ugu dambeyntii cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay xubin ka mid ah Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo magaciisu yahay Mudane Maxamed Xasan Nuur, ahna sharciyaqaan sare oo kusoo baxay habraac tartan furan ah kaddib markii xubin kale uu xilka banneeyay.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleXasan Sheekh oo dallacsiiyay taliye uu xilka qaadis ku sameeyay maalmo kahor
    Next Article Wax ka ogoow sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii Dhallinyarada Qaranka
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    By Banaadir249 November 20260

    Washington (Banaadir24) — Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska The Washington Sun ayaa shaaca ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad
    • Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab
    • Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?
    • Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib
    • Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d