LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wax ka ogoow sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii Dhallinyarada Qaranka

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Cali Siyaad (Champion), waxaana loo magacaabay guddoomiye cusub.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in xil ka qaadista Champion ay daba socotay khilaaf muddo bilooyin ah u dhexeeyay isaga iyo Wasaaradda Dhalinyarada. Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in hadalladiisa ku saabsan musuqmaasuqa iyo maamulka dalka ay sabab u noqdeen tabashooyin ka yimid qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xiriirka lagu tuhmay inuu la lahaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka uu sii xumeeyay khilaafka kala dhexeeyay madaxda sare ee dowladda.

Champion ayaa muddo ka badan 15 sano caan ku ahaa howlaha samafalka iyo taageerada uu u fidin jiray bulshada nugul, taasoo sababtay in xil ka qaadistiisa ay dhaliso falcelin xooggan oo ka timid taageerayaashiisa iyo xubno ka tirsan bulshada.

Go’aanka ayaa durba yeeshay saameyn muuqata, iyadoo mid ka mid ah xubnaha ururka Dhalinyarada Qaranka uu ku dhawaaqay iscasilaaddiisa, isagoo ka cabanaya sida loola dhaqmay guddoomiyihii hore.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa si rasmi ah xilka uga qaaday Champion, wuxuuna guddoomiyaha cusub ee Dhalinyarada Qaranka u magacaabay Cabdikaafi Maxamuud Makaraan.

Khilaafka labada dhinac ayaa si weyn usoo shaac baxay 10-kii Juun 2026, markii Champion laga reebay soo dhaweyntii rasmi ahayd ee Garsoore Cumar Carte ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *