Uncategorised

Puntland oo ka hortageysa dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda federaalka & Ciidamo Farabadan oo…

Maamulka Puntland ayaa si weyn u xoojiyay ammaanka magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay baraha kantaroolada, waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha laga soo galo magaalooyinkaas.

Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in ciidamada la faray inay sare u qaadaan feejignaanta, islamarkaana si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda gudaha iyo daafaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Tallaabadan amni ee cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli Golaha Wasiirrada Puntland ay kulan ay yeesheen Khamiistii ku amreen hay’adaha ammaanka in aan deegaannada Puntland laga oggolaan ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si xor ah uga gudbaan ama uga howlgalaan iyada oo aan oggolaansho rasmi ah laga helin maamulka Puntland.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed iyo is-mariwaa u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo saameynta uu khilaafku ku yeelan karo xaaladda amniga iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Dadka ku nool magaalooyinka la adkeeyay ammaankooda ayaa sheegay inay dareemayaan kororka joogitaanka ciidamada iyo baaritaannada lagu sameynayo gaadiidka iyo dadka safarka ah, inkastoo maamulka Puntland uusan weli si rasmi ah uga hadlin sababaha gaarka ah ee ka dambeeya xoojinta amniga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *