LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

XOG CULUS: Eritrea oo Soomaaliya Ku Amartay Inay Kala Doorato Itoobiya ama Asmara

Warar laga helayo ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa muujinaya in xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea uu galay marxalad adag, kaddib markii ay soo baxeen khilaafaad la xiriira jihada siyaasadda gobolka iyo xiriirka Muqdisho ay la leedahay Itoobiya.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu Soomaaliya u gudbiyay farriin cad oo ku saabsan in ay kala doorato Itoobiya ama Eritrea, isaga oo ku dooday in aysan suuragal ahayn in Soomaaliya xiriir dhow la yeelato Eritrea iyadoo isla markaana heshiisyo iyo wada-shaqeyn la leh Itoobiya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay mudnaan siisay hirgelinta wada-hadalladii Ankara ee Itoobiya, halka Masar ay ku boorrisay Muqdisho in khilaafka kala dhexeeya Eritrea aan loo bandhigin si fagaare ah si looga fogaado saameyn siyaasadeed oo dheeraad ah.

Sarkaalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ku dhawaad 100 askari oo ka tirsan Ciidanka Cirka Soomaaliya ay weli ku sugan yihiin Eritrea, hase yeeshee aanu jirin wax xiriir ama iskaashi rasmi ah oo hadda u dhexeeya labada dowladood. Sida uu sheegay, go’aanka lagu hakiyay xiriirka iyo wada-shaqeynta wuxuu ka yimid dhinaca Eritrea.

Dhanka kale, Eritrea ayaa la sheegay inay marar kala duwan martiqaadday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kuwaas oo Asmara ay u aragtay saaxiibo dhow oo siyaasadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *