Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay xubin hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa guul ka sheegtay howlgallo qorsheysan oo ay ka wadaan deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo Aadan Maxamed Aadan, kaas oo la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka, ninka la qabtay ayaa watay qori nooca AK-47 ah iyo agab kale oo uu isticmaali jiray.
Saraakiisha ayaa tilmaamay in qabashada xubintan ay timid kaddib markii ciidamada Danab ay deegaanka ka fuliyeen howlgallo culus oo isugu jiray duqeymo iyo dhaq-dhaqaaqyo dhulka ah, kuwaas oo si weyn u wiiqay awoodda maleeshiyaadka ku sugnaa aaggaasi.
Wararka laga helayo furimaha dagaalka ayaa sheegaya in xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa Harboole ay kala firxadeen, iyagoo la kulmay cadaadis xooggan oo kaga yimid ciidamada dowladda.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku burburiso xarumaha iyo dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee gobollada Koonfurta dalka, gaar ahaan Jubbada Hoose oo kamid ah meelaha ay kooxdaasi ku leedahay firfircooni militari.










