Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socdo Hiiraan & Dhimashada oo mareysa 10…

Ugu yaraan 10 qof ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen, halka shan kale ay ku dhaawacmeen dagaallo beeleed weli ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen ilo amni oo ku sugan gobolka.
Sida ay wararku sheegayaan, rabshadaha ayaa ka dhashay dhacdooyin la xiriira tacaddiyo galmo oo lagu eedeeyay xubno ka tirsan labada beelood ee iska hor imanaya. Xiisadda ayaa la sheegay inay bilaabatay kadib markii gabar yar lagu sheegay in lagu kufsaday magaalada Talaadadii, taasoo dhalisay caro iyo muran u dhexeeya labada dhinac.
Maalintii Arbacada, waxaa soo baxay warar sheegaya in saddex dhalinyaro ah ay weerar aargoosi ah ku qaadeen gabar kale oo ka tirsan beesha kale, taasoo sii hurisay xiisadda isla markaana sababtay in xaaladdu isu beddesho dagaal hubeysan.
Dagaallada ayaa la sheegay inay ku fideen qaybo kala duwan oo ka tirsan degmada Jalalaqsi, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud.
Odayaasha dhaqanka iyo maamulka deegaanka ayaa wada dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo labada beelood si loo joojiyo colaadda ugana hortago inay ku faafto deegaanno kale. Si kastaba ha ahaatee, xaaladdu weli waa mid kacsan, iyadoo dagaallo goos-goos ah ay ka socdaan qaybo kamid ah degmada.









