LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Booliiska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay nin lagu eeedeeyay arrin yaab leh

Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Maxamed Axmed Maxamed, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu si ula kac ah u xiray bullaacadaha biyaha qaada ee ku yaalla waddada 21-ka Oktoobar, agagaarka Enza Home.

Sida uu sheegay Booliisku, eedeysanaha ayaa bullaacadaha ku guray caagadaha 20-ka litir ah ee biyaha laga cabo, taasoo hakad gelisay qulqulka biyaha roobka, isla markaana sababtay fatahaad iyo ciriiri xooggan oo saameeyay isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala waddadaasi.

Booliiska ayaa sheegay in ninkaasi uu haatan ku jiro gacanta hay’adaha ammaanka, baaritaanna uu ku socdo. Marka uu baaritaanku soo gabagaboobo ayaa loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Dhanka kale, Booliiska Caasimadda ayaa bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan falalka waxyeellada u geysanaya hantida guud iyo kaabeyaasha muhiimka u ah adeegyada bulshada, iyagoo sidoo kale shacabka ku dhiirrigeliyay inay laamaha amniga la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan falalka noocan oo kale ah si loo ilaaliyo amniga, nadaafadda iyo bilicda magaalada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *