Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Turkiga oo Somalia ka dhisanaya saldhig laga rido Gantaalaha & Cabsi soo wajahday Israa’iil
    LATEST NEWS

    Turkiga oo Somalia ka dhisanaya saldhig laga rido Gantaalaha & Cabsi soo wajahday Israa’iil

    Banaadir24By Banaadir244 July 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sida lagu sheegay warbixinta uu daabacay wargeyska Le Monde, mashruucan ayaa isku daraya saldhig laga rido dayax-gacmeedyada oo qeyb ka noqonaya barnaamijka hawada sare ee Turkiga iyo xarun lagu tijaabiyo gantaallada ballistic-ga ee riddada dheer.

    Mashruucan, oo si rasmi ah loogu dhawaaqay bishii Diseembar 2025 inuu yahay iskaashi dhinaca tiknoolajiyadda ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa warbixintu ku tilmaantay wejigii ugu muhiimsanaa ee mashruuc muddo toban sano ah socday, kaasoo looga gol leeyahay in Soomaaliya laga dhigo saldhig istaraatiiji ah oo Turkigu ka fuliyo howlgalladiisa.

    Le Monde wuxuu sheegay in dhismaha xaruntan uu yahay gunaanadka 15 sano oo maalgashi siyaasadeed, militari iyo dhaqaale ah oo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu ku sameynayay Soomaaliya. Sida warbixintu xustay, mashruucan ayaa Turkiga u suuragelin kara inuu kordhiyo masaafada ay gaari karaan gantaalladiisa ballistic-ga, taasoo sare u qaadi karta halista amni ee uu ku wajahan Israa’iil.

    Warbixintu waxay intaas ku dartay in bartamihii bishii Oktoobar 2025 uu Turkigu bilaabay dhismaha xaruntan oo ku taalla duleedka degmada Warsheekh oo qiyaastii 70 kiiloomitir waqooyiga kaga beegan magaalada Muqdisho.

    Wax yar kadib markii uu bilowday dhismaha xarunta, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan hawada sare, kaasoo noqday tallaabadii ugu dambeysay ee iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

    Xarunta cusub iyo saameynta ay ku yeelan karto Israa’iil

    Warbixintu waxay soo xiganeysaa baaritaan ay bishii May daabacday hay’adda cilmi-baarista ee Middle East Forum, kaasoo lagu sheegay in haddii xaruntan loo adeegsado tijaabinta gantaallada ballistic-ga, inta badan Afrika iyo Bariga Dhexe ay geli karaan masaafada ay gaari karaan gantaalladaas, arrintaas oo yeelan karta saameyn amni oo toos ah oo khuseysa Israa’iil.

    Hase yeeshee, hay’addu waxay aaminsan tahay in xaruntan loogu talagalay oo keliya nidaamyada gantaallada gaari kara ilaa 2,000 oo kiiloomitir. Taasi waxay ka dhigan tahay in Israa’iil aysan weli ku jiri doonin masaafada ay gaari karaan gantaalladaas. Si kastaba ha ahaatee, awooddaas ayaa Turkiga u suuragelin karta inuu gaaro Somaliland, oo warbixintu sheegtay inay taageero militari ka hesho Israa’iil.

    Bilihii la soo dhaafay, Madaxweyne Erdoğan ayaa sii xoojiyay hadalladiisa kulul ee ka dhanka ah Israa’iil, isagoo marar badan ku hanjabay inuu qaadi karo tallaabo militari.

    Bishii hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Turkigu uu doonayay inuu ku biiro dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Iiraan, balse codsi uu isagu u jeediyay awgiis uu Turkigu oggolaaday inuu ka fogaado ku lug lahaanshaha colaadda.

    Warbixintu waxay ku soo gabagabeysay in hadallada adag ee Erdoğan ee ka dhanka ah Israa’iil loo arko inay qeyb ka yihiin istaraatiijiyaddiisa siyaasadeed ee uu isku muujinayo inuu yahay difaac adag oo xuquuqda shacabka Falastiin ah.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleSoomaaliya iyo Talyaaniga oo Kala Saxiixday Heshiis Amni oo Xoojinaya Dagaalka Al-Shabaab
    Next Article Dowladda Federaalka oo hubeyneysa kumanaan askari oo cusub
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    By Banaadir249 November 20260

    Washington (Banaadir24) — Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska The Washington Sun ayaa shaaca ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad
    • Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab
    • Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?
    • Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib
    • Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d