Ciidanka Danab oo howlgal cir iyo dhul ah ku qaaday saldhigyada Al-Shabaab

Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay deegaanka Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay iska horyimaadeen ciidamada Kumaandooska Danab, kuwaas oo la sheegay inay howlgal ka fuliyeen deegaanka.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo dhanka amniga ah, iska horimaadka ayaa billowday habeenkii Khamiista, waxaana saacado badan la maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo, iyadoo Al-Shabaab ay iska caabin xooggan kala hortagtay ciidamada howlgalka waday balse markii dambe u babac dhigi waayay awoodda ciidanka Danab iyagoo goobta ka firxaday sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Danab.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa mid ka mid ah iska horimaadyadii ugu xooganaa ee toddobaadyadii u dambeeyay ka dhacay aaggaasi, inkastoo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Danab ay dagaalka kaddib dib uga baxeen goobta, hase yeeshee lama xaqiijin sababta keentay dib u gurashadaas.
Dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in diyaarado dagaal oo Mareykan ah ay dul heehaabayeen Farsooley xilligii dagaalku socday, isla markaana ay fuliyeen duqeymo lala beegsaday deegaanka.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku andacooday in duqeymahaasi ay waxyeello gaarsiiyeen xarumo ganacsi oo ku yaalla suuqa Farsooley, iyadoo la sheegay in dhismayaal ganacsi ay burbureen ama dab qabsaday. Wararkaas oo aanan weli loo helin xaqiijin madax-bannaan.
Illaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya, taliska Ciidanka Kumaandooska Danab iyo militariga Mareykanka midkoodna kama uusan hadlin howlgalka iyo dagaalka la soo wariyay.









