LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Go’aanka Mareykanka oo walaac ka abuuray Midowga Afrika, shir degdeg ah oo la isugu yeeray

Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa si rasmi ah ugu wargeliyay safaaradaha iyo ergada joogtada ah ee xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC) in Mareykanku uu shaaciyay inuusan sii wadi doonin taageerada uu siiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) marka uu dhammaado oggolaanshaha howlgalka AUSSOM 31-ka Diseembar 2026.

Warqadda ayaa lagu sheegay in go’aankan uu saameyn weyn ku yeelan karo saadka, howlgalka iyo maalgelinta ciidamada AUSSOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Sababtaas awgeed, Midowga Afrika ayaa isugu yeeray shir degdeg ah oo ay ka qeybgalayaan la-taliyeyaasha militariga iyo difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka, si looga arrinsado mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo tallaabooyinka xiga ee lagu wajahayo xaaladdan.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Jimce ah, 3-da Luulyo 2026, ka qabsoomo xarunta Julius Nyerere Building ee magaalada Addis Ababa, iyadoo lagu falanqeyn doono saameynta go’aanka Mareykanka iyo qorshaha lagu sii wadi karo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *