Dowladda Federaalka oo hubeyneysa kumanaan askari oo cusub

Warqad rasmi ah oo la sheegay inay ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa muujineysa amar lagu farayo Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS inuu hub, rasaas iyo agab ciidan ku qalabeeyo ciidamo lagu sheegay Ciidanka Dhiboowga ee ku sugan Dugsiga Tababarka Xanan Buure ee Galmudug.
Sida ku xusan warqadda, ciidamadaasi ayaa loo qorsheeyay in la siiyo 4,500 qori AK-47, 60 qori BKM, 10 qori RPG-7, 30 qori DShK, 50 qori Sniper, 20 qori Jabshe, 10 Hoobiye 82mm, 20 Hoobiye 60mm iyo 500 bam-gacmeed oo nooca F1 ah. Waxaa sidoo kale lagu lifaaqay boqolaal sanduuq oo rasaas ah iyo 5,100 tuute ciidan.
Warbixintu waxay sheegtay in inta badan ciidamadaasi hore looga soo qoray gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, halka tababarkooda iyo kharashaadka ku baxay la sheegay inay maalgelinayeen dalal shisheeye.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo saartay ujeeddada loo diyaariyay ciidamadan. Xogta aan helnay ayaa xustay in markii hore qorshuhu ahaa in ciidamadan loo adeegsado arrimaha la xiriira doorashooyinka Galmudug, balse kadib isbeddello siyaasadeed oo dhacay, ay soo baxeen aragtiyo kale oo ku saabsan in loo wareejiyo deegaanno kale.
Xogtan weli si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jirto jawaab rasmi ah oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan warqadda iyo sheegashooyinka la xiriira ujeeddada ciidamadan.









