Puntland oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadalkii Xamse Cabdi Barre

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Farxaan Cali Xirsi (Xaad), ayaa si adag uga falceliyay hadalladii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ee ku saabsanaa qorista ciidamo laga diiwaangelinayo Puntland.
Wasiir Xaad ayaa sheegay in hadallada Xamse ay yihiin kuwo “la soo minguuriyey,” isagoo ku dooday in “laxanka iyo mirohoodaba ay qolo kale lahaayeen,” islamarkaana aysan ka tarjumayn xaqiiqda dhabta ah ee Puntland.
Wuxuu ku tilmaamay inay tahay nasiib-darro in Xamse isku dayo inuu shacabka Puntland ka dhaadhiciyo inuu yahay mas’uul matala danahooda, isagoo su’aal geliyay kaalintii uu ku lahaa dagaalladii Puntland kula jirtay kooxaha argagixisada.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay si buuxda ugu kalsoon tahay ciidamadeeda, islamarkaana aysan jirin cid khalkhal gelin karta ammaankeeda. Wuxuu xusay in ciidamada Puntland ay heegan buuxa ku sugan yihiin, isagoo uga digay cid kasta oo isku dayda inay faragelin ku sameyso amniga deegaannada Puntland.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan hadallada is dhaafsiga ah ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga iyo qorista ciidamada.









