Author: Banaadir24

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa ku dhawaaqay dhismaha guddi cusub oo ka kooban sagaal xubnood, kuwaas oo qaban doona doorashada madaxtinimada ee soo socota. War-saxaafadeed uu soo saaray, Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ku adkeystay Dastuurka Koonfur Galbeed, isagoo xusay in dowlad goboleedku leeyahay awood uu ku dhisan karo guddi doorasho oo u gaar ah isla markaana uu si madax-bannaan u maamuli karo doorashooyinka, kana madax bannaan faragelinta Muqdisho. Warqadda magacaabista ayaa muujinaysa go’aanka adag ee maamulka Koonfur Galbeed uu ku ilaalinayo madaxbannaanidiisa, xilli ay jiraan cadaadisyo ka imaanaya dowladda federaalka.

Read More

Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Habar-Dooy, oo horey ay gacanta ugu hayeen ciidanka lamagac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ee ay tageerto dowladda federaalka Soomaaliya kaddib howlgal militari oo maanta halkaas ka dhacay. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Koonfur Galbeed ay weerar qorsheysan ku qaadeen Habar-Dooy, iyagoo ka weeraray dhowr jiho. Deegaankan ayaa qiyaastii 20-kiloomitir u jira magaalada Baydhabo, dhanka koonfureed ee Deynuunay. Kadib dagaal socday saacado badan, ciidamada Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka, kaddib markii ay halkaas isaga baxeen dagaalyahannadii mucaaradka…

Read More

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadashay xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed. Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Nuur, oo si kulul uga hadlay xaaladda Koonfur Galbeed iyo tallaabooyinka ka dhanka ah maamulkaas ee ay qaaday dowlada federaalka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federaalka ay mar kale xaalad colaadeed galineyso dalka. Waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in dagaallo hore uu qaaday uusan ka baran wax cashir ah gaar ahaan dagaalkii Raaskambooni islamarkaana uu iminka abaabul colaadeed kawado deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed. “Waxaa nasiib darro ah in Madaxweynuhu mar labaad dalka qaybo kamid…

Read More

Warar cusub oo ka soo baxaya xiisadaha gobolka ayaa muujinaya in awoodda gantaallada Iran ay gaari karto masaafo ka fog tan ay hore u shaacisay, arrintaas oo walaac ku abuurtay dalal badan oo caalamka ah. Sida ay sheegayaan warbixinno kala duwan, Iran ayaa la sheegay inay ridday laba gantaal oo nooca intermediate-range ballistic missile ah, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigga milatari ee Diego Garcia, oo ah saldhig ay si wadajir ah u isticmaalaan Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku yaalla badweynta Hindiya, kana fog Iran qiyaastii 4,000 km. Inkasta oo gantaalladaasi aysan si toos ah u gaarin bartilmaameedkooda, haddana falanqeeyayaal badan…

Read More

Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed iyo saraakiil reer Galbeed ah ayaa sheegaya in horraantii bishan, sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka, Elbridge Colby, uu wada hadal la yeeshay Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Khalid bin Salman, oo sidoo kale ah walaalka iyo la-taliyaha ugu sarreeya Dhaxal sugaha Boqortooyada, Mohammed bin Salman. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in wada hadalkan uu yimid xilli ay sii kordhayeen weerarrada Iran ay ku hayso saldhigyada Mareykanka ee gobolka Khaliijka, taasoo ku qasabtay Washington inay raadiso marinno dheeraad ah oo ay ku gaarto hawlgalladeeda milatari, oo ay ku jiraan in diyaaradeheeda loo ogolaado saldhigyo…

Read More

Forces from Somalia’s federal government have taken full control of key facilities and security bases in the coastal town of Barawe, in the Lower Shabelle region, displacing troops from the South West State administration who had previously overseen the area. Residents and local sources told reporters that some South West State forces surrendered to federal troops around midnight, while others requested evacuation to the southern city of Kismayo. The takeover followed hours of heightened tension that had raised fears of armed clashes between the two sides. The situation escalated after the federal government airlifted elite Haramcad police units into Barawe.…

Read More

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose Ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegeen Magaalada Baraawe ee Caasimadda dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya. La wareegitaanka ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ayaa timid kadib markii ay halkaasi isaga bexeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo halkaasi ku sugnaa. Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Haramcad oo shalay ay dowladda ku daabushay halkaas ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Baraawe iyagoo aanan wax iska caabin ama dagaal ah kala kulmin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee gacanta ku hayay magaalada. Lama garanayo tallaabada uu qaadi doono maamulka…

Read More

Kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ku biirtay dagaalka sii ballaaranaya ee ku lug leh Iran, iyadoo digniin culus u dirtay Mareykanka iyo xulafadiisa. War ka soo baxay hoggaanka kooxda ayaa lagu sheegay in ay beegsan doonaan maraakiibta Mareykanka ee ku sugan Badda Cas haddii Washington ay si toos ah uga qayb qaadato weerarrada ka dhanka ah Iran. “Dagaalkan waa dagaalka guud ee ummadda Islaamka,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan Xuuthiyiinta, isagoo ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil inay doonayaan inay Iran meesha ka saaraan si ay gobolka u hoos geeyaan saameynta Israa’iil. Xuuthiyiinta, oo ah…

Read More

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka ku Eedeysay Faragelin ka dhan ah deegaanadeeda. Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo dhawaan la geeyay magaalada Baraawe. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo ka hadlay shir uu la yeeshay odayaasha dhaqanka, ayaa sheegay in dowlad-goboleedkiisu uu haysto awood amni oo ku filan si uu u ilaaliyo xasilloonida, ugana hortago falal lagu carqaladeynayo amniga iyo nidaamka gobolka. Afhayeen u hadlay maamulka ayaa dhankiisa dhaliilay tallaabada dowladda federaalka, isaga oo xusay in ciidamadii loogu talagalay la-dagaallanka argagixisada loo adeegsanayo arrimo siyaasadeed oo lagu…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa qabtay kulan degdeg ah oo uu la yeeshay odayaasha dhaqanka, si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada maamulka, gaar ahaan walaaca laga qabo faragelin la sheegay in ay ka imaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka intii uu socday, Madaxweynaha ayaa sharaxaad ka bixiyay mowqifka rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dastuurka, dhowrista madax-bannaanida maamulka, iyo xoojinta wada-shaqeyn ku dhisan is-ixtiraam iyo wadatashi. Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa muujiyay walaac ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee haatan jirta, iyagoo ku baaqay in…

Read More