Wiil uu Adeer u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo awood ku heysta hanti ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed

Ku dhowaad 100 tan oo badeecooyin kala duwan ah ayaa muddo laba toddobaad ah ku xaniban bakhaar ay maamusho shirkadda AIRMAS oo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ganacsatada soo dejisay badeecooyinkan ayaa sheegay in bakhaarka uu maamulo Cabdirisaaq oo uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Ganacsatadu waxay sheegeen inay diyaar u yihiin bixinta canshuuraha dowladda, balse ay ka cabanayaan lacago dheeraad ab ee ay shirkadda AIRMAS kusoo rogtay.
Sidoo kale, ganacsatadu waxay tilmaameen in xannibaadda bakhaarka ay si weyn u saameysay howlahooda ganacsi, iyagoo dalbaday in si degdeg ah arrintan loo soo farageliyo si badeecooyinkooda loogu fasaxo inay suuqyada galiyaan.
Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Banaadir24 in shirkaddu adeegii hore ee bilaashka ahaa ay u beddeshay nidaam lacag lagu sameeyo, kadib markii ay dhistay bakhaar cusub. Talaabadan ayaa keentay su’aalo ku saabsan eex iyo musuq maasuq, iyadoo dad badan ay ka digayaan in isbeddeladan uu Cabdirisaaq uga faa’ideysanayo xiriirka kala dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka AIRMAS ama dowladda oo ku saabsan cabashada ganacsatada iyo sababta rasmiga ah ee keentay in badeecooyinkan muddo laba toddobaad ah ku xirnaadaan bakhaarka.









