DEG DEG: Gawaari Tikniko ah oo lagu jaray garooonka Diyaaradaha Baydhabo & Ciidankii ugu badnaa…

War goor dhow nagasoo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan lagu soo daadiyay garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo waxaa sidoo kale lagu gooyay gawaari tikniko ah oo kuwa ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ah si aysan garoonka uga soo degin diyaarado lafilayo inay Muqdisho ciidan kaqaadaan.
Dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan ayaa laga dareemayaa garoonka diyaaradaha iyadoona halkaas la geeyay boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.
Xiisadda u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka ayaa cirka iskusii shareertay iyadoo dowaldda federaalka ay maanta ciidamo geysay degmada Baraawe oo ka tirsan magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed.
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Banaadir24.









