Ciidamada Ammaanka Oo Dekedda Muqdisho Ku Qabtay Lacag Malaayiin Dollar Ah

Wararka laga helayo dekedda magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen lacag ka badan 10 milyan oo dollarka Mareykanka.
Lacagtaan oo ciidanka ammaanka ay ka dhex qabteen konteenar ayay wararku sheegayaan in lasoo dhexgaliyay alaabo ganacsi oo konteenarka lagu waday kuwaas oo ay leeyihiin gacacsato Soomaaliyeed.
Ilo wareed ku sugan dekadda magaalada Muqdisho ayaa Banaadir24 Online, u sheegay in lacagta malaayiinta dollar ah aysan ahayn lacag sax ah oo ay tahay lacag been abuur waxana lagu qabtay nin lagu magacaabo Nuur kaas oo ay xabsiga dhigeen ciidamada ammaanka dekedda Muqdisho.
Ninka la xiray ayaa la sheegay in arrintaan ay usoo wakiisheen ganacsato kaasoo u xil saarnaa sii deynta konteenarka inkastoo aysan caddeyn inuu wax ka ogaa lacagta been abuurka ah ee ku jirtay Konteenarka iyo inkale.
Ciidamada ammaanka oo la xiriiray ganacsatada lahayd lacagtaan been abuurka ayaa u sheegay inay doonayaan inay lacagta u isticmaalaan aroosyada oo mararka qaar lagu sharaxo goobaha aroosku ka dhacayo islamarkaana lagu dul shubo dad is aroosayo iyo kuwa kale ee qoob ka ciyaarka ku Sameeya bandhigyada sida fanaaniinta.
Saraakiisha ammaanka ayaa noo sheegay inay baaritaan kuwadaan lacagtaan iyo qorshaha dhabta ah ee ka dambeeyaan in ganacsato ay dalka soo galiyaan lacago been abuur ah oo intaan dhan.









