Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ay fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa maanta hawlgal ka fuliyay tuulooyinka Buulo Naageey iyo Busley Daa’uud oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkaas ayaa lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaas oo la sheegay inay dhibaato ku Hayden shacabka deegaanka.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa sii wadaya dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, waxaana ka go’an difaaca shacabka iyo xoreynta guud ahaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisadu. Ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada howlagalka fuliyay.
Ciidamada xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab iyadoo muddooyinkaan dambe ay xoogeysteen weerarada cirka iyo dhulka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.










