LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Donald Trump oo markale weeraray Somalia & Ilhaan Cumar iyo Jawaabta Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadallo muran badan dhaliyay ka jeediyay Aqalka Oval-ka, isagoo Soomaaliya ku tilmaamay “dal ka sii hooseeya kuwa saboolka ah ee caalamka,” isla markaana mar kale ku celiyay eedeymo hore loo beeniyay oo ku saabsan xildhibaannada Ilhaan Cumar.

Trump ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay “dal kasii hoseeya kuwa sadexaad oo ah dal afaraad,” hadal si weyn loo cambaareeyay, maadaama uu u muuqdo mid liidaya xaaladda dalka iyo dadkiisa. Sidoo kale, wuxuu ku celiyay eedeyn aan wax caddeyn ah loo hayn oo ah in Ilhaan Cumar ay si sharci darro ah ku gashay Mareykanka iyadoo guursatay walaalkeed arrin ay Omar si joogto ah u beenisay, kuna tilmaantay “mid xanuun leh oo been abuur ah.”

Xildhibaannada iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegay in hadalladan ay sii kordhin karaan xiisadda siyaasadeed, isla markaana ay dhaawici karaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

Hadalkan cusub ee ka soo yeeray Donald Trump ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha la xiriira siyaasadda gudaha Mareykanka iyo doorka siyaasiyiinta asal ahaan ka soo jeeda dalalka kale.

Ilhaan Cumar oo si adag ugu jawaabtay Trump

Xildhibaannada Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa si kulul uga falcelisay hadalladii dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyadoo ku tilmaantay kuwo “aan degganeyn oo fadeexad ah.”

Qoraal ay soo saartay, Ilhaan ayaa sheegtay in waxa ugu walaaca badan ay tahay sida uu Trump ugu muuqdo mid si kalsooni leh dunida ugu muujinaya aragtidiisa iyo tan taageerayaashiisa.

“Qaybta ugu dhibka badan ee hadalladiisa waa sida uu ugu raaxeysanayo inuu dunida u muujiyo sida uu isaga iyo taageerayaashiisu u yihiin kuwo aan caqli badnayn,” ayay tiri Omar.

Waxay sidoo kale si adag u weerartay shakhsiyadda Trump, iyadoo xustay eedeymo culus oo horey loogu jeediyay, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo muujinaya dabeecad aan habboonayn oo ka baxsan anshaxa siyaasadeed.

Is-weydaarsigan hadallada kulul ayaa sii huriyay xiisadda u dhexeysa Ilhaan Cumar iyo Donald Trump iyadoo falanqeeyayaashu ay ka digayaan in khilaafkan uu sii kala fogeyn karo siyaasadda gudaha Mareykanka isla markaana uu saameyn ku yeelan karo doodaha ku saabsan qowmiyadaha iyo siyaasadda dibadda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *