Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka India oo weeraray Modi “Jilbaha ayaad dhulka u dhigataa Trump iyo Netanyahu”

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka India ayaa si kulul u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi, isaga oo ku eedeeyay inuu siyaasaddiisa dibadda ku saleeyo cadaadis uga imanaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumpiyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Xildhibaanka ayaa khudbad uu ka jeediyay fadhiga baarlamaanka ku sheegay in hoggaanka Modi uu u muuqdo mid ku tiirsan talooyinka Washington iyo Tel Aviv, taasoo keentay caro ka dhex dhalatay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xildhibaanku sheegay:
“Salaan ayaan u dirayaa Ali Khamenei, oo aan u jilba-jabsan Mareykanka, balse shahiiday. Adiguse, qof aan qiimo lahayn, waad u jilba-dhigatay.”
Hadalkan ayaa qayb ka noqday dhaleeceyn ballaaran oo mucaaradka Hindiya u jeedinayaan siyaasadda dibadda ee xukuumadda Modi, gaar ahaan xiriirka dhow ee ay la leedahay Mareykanka. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka qaarkood ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda inay si xad dhaaf ah ugu janjeerto siyaasadaha Washington ee ku saabsan xiisadaha Bariga Dhexe.
Arrintan ayaa sii kordhisay doodda siyaasadeed ee ka socota gudaha Hindiya, iyadoo mucaaradku ku baaqayaan in baarlamaanka si qoto dheer uga doodo jihada siyaasadda dibadda ee dalka.









