LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DEG DEG: Golaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Taliye Shub

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan, oo si weyn loogu yaqaanay “Taliye Shub.”

War rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu gaaray shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada, inkasta oo aan si faahfaahsan loo shaacin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya xil ka qaadistiisa.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa loo arkayay inuu si dhow ula shaqeynayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, taasoo ka dhigeysa tallaabadan mid saameyn ku yeelan karta xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *