LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Meydka Nin La Gowracay oo laga helay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in lagu arkay meydka qof si xun loo dilay.

Meydka qofka dilay oo ahaa wiil dhallinyaro ah ayaa waxa lagu arkay xaafadda Tiida ee degmada Dayniile, waxana dadka deegaanka ay noo sheegeen in jirkiisa uu sidoo kale ka muuqdo jirdil xoogan oo loo maleynayo in loo geystay kahor inta aanan la dilin.

Dilka ayaa loo adeegsaday Baangad ama Tooreey waxana marxuumka tunkiisa ama qoorta  ku yaala dhaawac aad u weyn oo u muuqda in Baangad ama midi lagu gowracay sida ka muuqata muuqaal gaar ah oo Banaadir24 Online, ay lawadaageen dad goobta tagay.

Da’diisa ayaa lagu qiyaasay 30 ilaa 35 sano iyadoo aanan lagaraneyn sababta sidan foosha xun loogu dilay iyo cida dishay intaba.

Waxaa adag in la aqoonsado meydka qofka la dilay maadaama jirdil xoogan uu ka muuqdo wajigiisa kaasoo gabi ahaanba badalay muuqaalka wajiga.

Dadka deegaanka oo aad uga argagaxay dilkaan foosha xun ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda amni darro ee kusii kordheysa degmada Deyniile oo muddooyinkaan dambe ay ka dhacayeen falal amniga liddi ku ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *