Iiraan oo sawirka Ra’iisul Wasaaraha Spain ku dhajisay gantaallo lagu garaacay Israa’iil

Muuqaallo iyo sawirro ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya dad Iiraaniyiin ah oo ku dhejinaya istiikarro uu ku sawiran yahay Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, gantaallo la sheegay in markii dambe loo adeegsaday weerarro ka dhan ah Israa’iil.
Falkan ayaa u muuqda mid ay Iiraaniyiintu ku muujinayaan mahadcelin ay u hayaan Sánchez, kaas oo si adag u cambaareeyay dagaalka socda ee u dhexeeya Iiraan iyo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil.
Dagaalkan ayaa billowday 28-kii Febraayo, kaddib weerarro wadajir ah oo Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan.
Mid ka mid ah istiikarada lagu arkay gantaallada ayaa xambaarsanaa farriin oranaysa: “Dagaalkani ma aha oo kaliya sharci-darro, balse waa mid ka baxsan bani’aadannimada. Mahadsanid, Ra’iisul Wasaare.” Istiikarka ayaa sidoo kale watay sawir Sánchez oo cambaareynaya duqeymaha Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.
Si kastaba, falkaasi ayaa loo arkaa mid is khilaafsan, maadaama gantaallada lagu xardhay fariimo ka dhan ah dagaalka haddana loo adeegsaday weerarro lagu qaaday Israa’iil.
Istiikar kale oo lagu arkay muuqaallada ayaa muujinayay farriimo mahadcelin ah oo loo dirayo dadka muujiyay taageerada Iiraan, oo ay ku jiraan dad ku sugan London, iyo kuwa cambaareeyay waxa lagu tilmaamay dambiyada dagaal ee Donald Trump.
Dhanka kale, qoraallo lagu baahiyay barta X ayaa tilmaamay in dibadbaxyo lagu taageerayo Iiraan ay ka dhaceen meelo kala duwan, iyadoo sidoo kale si weyn loo cambaareeyay weerar lagu qaaday iskuul ku yaalla magaalada Minab sanadkan 2026. Weerarkaasi ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 150 qof iyo dhaawaca boqolaal kale, iyadoo inta badan dhibbanayaasha la sheegay inay ahaayeen carruur.
Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa ka mid noqday hoggaamiyeyaasha Yurub ee si cad uga horyimid dagaalka, isagoo ku celceliyay mowqifka dowladdiisa ee ah “maya dagaal.” Arrintan ayaa timid xilli uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ku hanjabay tallaabooyin dhaqaale oo ka dhan ah Spain, kadib markii ay diiday inay taageerto weerarrada Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan.









