Midowga Yurub oo war kasoo saaray Xaaladda Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed

Midow ayaa war kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda Federaalka Soonaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladda sii xumaanaysa ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo muujisay walaac xooggan oo ku aaddan is-mariwaaga siyaasadeed ee ka jira halkaas.
War kooban oo ay soo saartay wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu adkeeyay in waqtigan xaadirka ah ay lama huraan tahay in la helo wada-hadal wax ku ool ah oo dhex mara dhinacyada isku haya arrimaha taagan.
Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay dhammaan dadaallada dhexdhexaadinta, isagoo carrabka ku adkeeyay in fursad la siiyo isku day kasta oo lagu doonayo xal nabadeed.
Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa mareysa meeshii ugu xumeyd iyadoo labada dhinac ay qarka u saaranyihiin inay dagaalamaan.
Dowladda federaalka ayaa wali sii wada ciidamada ay geyneyso deegaanada Koonfur Galbeed halka Koonfur Galbeed ay diyaarisay ciidamo xoogan oo ay uga hortageyso kuwa dowladda federaalka ay geysay qaar kamida deegaanadeeda.









