Dhaqdhaqaaqyo xooggan oo Al-Shabaab ah oo laga dareemayo agagaarka Baydhabo

Wararka laga helayo dadka deegaanka iyo kuwa safarreeyda ah ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo ay sameynayaan dagaalyahannada Al-Shabaab laga dareemayo waddada isku xirta Buurhakaba iyo Daynuunay, taasoo ah marinka keliya ee gala magaalada Baydhabo.
Dadka ka ambabaxay magaalada Baydhabo galinkii dambe ee maalintii shalay kuna sii jeeday Buurhakaba ayaa arkay koror muuqda oo ku yimid joogitaanka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee halkaas iyagoona soo sheegaya in Al-Shabaab ay halkaasi geysay dagaalmayaal tiro badan oo qaarkood watay mootooyin.
Dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadka Al-Shabaab ay halkaasi kawadaan ayaa cabsi xoogan ku abuuray dadka deegaanka.
Ilaa iyo hadda lama oga in dhaqdhaqaaqa kordhay ee Al-Shabaab uu muujinayo qorshe weerar oo ka dhan ah deegaannada ay dowladdu maamusho ama bartilmaameedyo la xiriira ciidamada Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiinta amniga ee Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli soo saarin wax war rasmi ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa xoogan ee Al-Shabaab ay iminka kawado wadada isku xirta Buurhakaba iyo Daynuunaay.









