Wasiirka Dekedaha oo kordhiyay qooralada uu ku weerarayo Madaxweyne hore Farmaajo

Hadal adag oo ka dhan ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka soo yeeray mid ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, kaas oo si kulul uga hadlay rajada uu Farmaajo ka qabo inuu mar kale xilka qabto.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xildhibaano uu madaxeyne Laftagareen uga soo qoro Farmaajo deegaanada Koonfur Galbeed aysan u suuragelin doonin inuu dib ugu soo laabto madaxtinimada dalka, isaga oo xusay in arrintaas ay tahay mid aan dhici Doonin.
“Farmaajoow Duqaas Xildhibaano uu kaaga soo qorey KGS Madaxweyne ku noqon meysid idanka Ilaahey, waa calaalal tima ka soo baxeen ee Carabku yuu kaa qalalin. Tiitiinkaad noo abuutey waa iska siibeynaa maalmah soo socdo. Insha allah”.
Hadalka ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda hore iyo kuwa hadda jira, iyadoo dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo diyaar garow la xiriira doorashooyinka mustaqbalka.
Wasiirka dekedaha ayaa Kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweynaha waqtigiida sii dhamaanayo ee Xasan Sheekh, kaasoo ku abaal mariyay xila kala duwan oo ay ugu dambeysay inuu noqdo Wasiirka Dekedaha.
Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in hadallada noocan oo kale ah ay muujinayaan sida ay u sii kala fogaanayaan dhinacyada siyaasadda, taasoo keeni karta xiisado hor leh haddii aan la helin wadahadal iyo is-afgarad.









