Loollanka Koonfur Galbeed Oo Cirka Isku Shareeray, Lafta Gareen Oo Helay Gurmad Cusub

Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan magaalada Baydhabo ayaa sii xoogeysatay, kadib markii taliyahii hore ee degmada Baydhabo, Cabdullaahi Cali Watiin, iyo ciidamo uu hoggaaminayo ay ku biireen xoogagga daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Wararkan ayaa imanaya xilli ciidamada taageersan Lafta Gareen ay sii kordhinayaan isu-urursigooda duleedka Baydhabo, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee labada dhinac ay sare u qaadeen walaaca laga qabo inuu dib u qarxo dagaal.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan u kala qeybsan laba dhinac oo iska soo horjeeda. Midka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kana arrimiya Baydhabo, ayaa taageero ka hela Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale, maamulka uu hoggaamiyo Lafta Gareen ayaa saldhigyo ka sameystay deegaannada ku hareeraysan magaalada, kadib markii laga saaray Baydhabo intii lagu jiray howlgal baaxad weyn leh oo dowladda federaalka ay ku qaaday magaalada Baydhabo.
Khilaafka labada dhinac ayaa hore u sababay dagaallo ka dhacay gudaha iyo daafaha Baydhabo, waxaana hadda sii kordhaya cabsi laga qabo in iska horimaadyo hor leh ay qarxaan, maadaama labada garab ay sii wadaan uruurinta ciidamo iyo xoojinta fariisimahooda.
Dhaqdhaaqyada ay wadaan ciidamada Laftagareen ay laga dareemayaa magaalada Baydhabo iyadoo cabsi xoog leh ay soo food saartay dadka shacabka ah oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo.









