Baydhabo oo qarka u saaran dagaal & Ciidamada Dowladda oo hub culus ku xirtay…

Xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ayaa sii xumaanaysa, iyadoo ciidamada dowladda federaalka ah ee taageersan Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ahna madaxweynaha Koonfur Galbeed,Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay qodeen dhufeysyo, isla markaana ka sameysteen fariisimo ciidan xaafado ay dad shacab ah ku nool yihiin.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamada ayaa fariisimo ka sameystay xaafadda Baar-Lugabaxsi ee bartamaha magaalada, Warshadda Hassay iyo deegaanka Alfaras oo ku dhow Somafone. Dhammaan goobahan ayaa ku dhex yaalla xaafado ay si weyn u deggan yihiin shacabka.
Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay inay la wareegeen dhismayaal dabaqyo ah oo ku dhow Isgoyska Mursal, oo kamid ah meelaha muhiimka ah ee magaalada, halkaas oo lagu rakibay hub culus oo laga dajiyay saqafyada dhismayaasha.
Wararka deegaanka ayaa sheegaya in dhismayaasha ay ciidamada la wareegeen uu kamid yahay dhismaha Bangiga, iyadoo hub culus lagu arkay dusha sare ee dhismayaashaasi.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada Darawiishta Koonfur Galbeed ee daacadda u ah madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqooda iyo joogitaankooda meelo kamid ah duleedka Baydhabo iyo xaafado ka tirsan magaalada.
Joogitaanka sii kordhaya ee ciidamada, dhufeysyada laga qoday xaafadaha iyo hubka culus ee la geeyay meelaha ay shacabka ku nool yihiin ayaa cabsi weyn ka dhex abuuray dadka deegaanka.
Qoysas badan ayaa la sheegay inay guryahooda isaga baxayaan, iyagoo raadinaya goobo ay u arkaan inay ammaan badan yihiin, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay ka qarxaan dagaallo hubeysan oo u dhexeeya dhinacyada isku haya awoodda iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Baydhabo ayaa sidaas darteed wajahaysa xaalad sii cakiran, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada ciidan iyo isku uruursiga hubka culus ay sare u qaadeen walaaca laga qabo iska horimaad oo cusub.









