Uncategorised

Dufcad Cusub oo ka Qalin-jabisay Kulliyadda Caafimaadka Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa shalay si rasmi ah u qabatay munaasabadda qalin-jebinta dufcad cusub oo arday ah, taas oo ka dhacday xarunta kulliyadda ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdifataax Qaasim Maxamuud, mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Turkiga ee Soomaaliya Sabahattin Kalkan, wakiillo ka socday hay’adaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, aqoonyahanno, arday iyo waalidiin.

Guddoomiyaha kulliyadda, Prof. Rashiid Kondo, ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jebisay, isagoo ku boorriyay inay aqoontooda ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta waad qalin-jebiseen, berri waxaad ka shaqeyn doontaan qeybaha kala duwan ee caafimaadka dalka. Meesha aad mar walba ku soo laaban doontaanse waa hoygiinnii koowaad, Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho,” ayuu yiri.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, isagoo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu xusay in iskaashiga labada dal uu sii ballaaran doono, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu maamuusay ardaydii ugu sarreysay waxbarashada, iyadoo Kadra Cabdulcasiis Nuur loo aqoonsaday ardaydii kaalinta koowaad ka gashay dufcadda qalin-jebisay. Kadra ayaa sheegtay in qalin-jebinteedu ay tahay mid ka mid ah maalmaha ugu farxadda badan nolosheeda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *