LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada ku sugan duleedyada Muqdisho oo heegan la geliyay

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa caawa kormeer amni ku tagay daafaha, baraha koontorool iyo goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho, iyadoo la xoojinayo sugidda amniga caasimadda munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed.

Wasiirka ayaa intii uu ku guda jiray kormeerka warbixinno amni ka dhageystay saraakiisha Nabad Sugidda iyo Booliska ee ka howlgala caasimadda, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda amniga iyo howlaha socda.

Saraakiisha ayaa Wasiirka la wadaagay qorshayaasha lagu sugayo amniga magaalada inta lagu jiro maalmaha Ciidul Adxaa, iyagoo tilmaamay in ciidamada ammaanka ay heegan buuxa ku jiraan, si loo xaqiijiyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fartaag ayaa ciidamada ammaanka ku bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay ugu jiraan sugidda amniga dalka, isagoo shacabka ku bogaadiyey la shaqeynta hay’adaha amniga, si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida, iyo farxadda munaasabadda Ciidul Adxaa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *