Xildhibaan Saadaq Jorn oo Farriin hanjabaad ah u diray Xasan Sheekh

Xildhibaan Saadaq Jorn, oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, isaga oo si cad u dhaliilay sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u wajahayo arrimaha maamulkaas.
Qoraal uu goordhow ku daabacay bartiisa Facebook, oo ay ka muuqatay caro iyo walaac siyaasadeed, ayuu Xildhibaan Saadaq Jorn si toos ah ula hadlay Madaxweynaha, isaga oo yiri:
“Duq Xasanow, nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda Wardhiigleey waa isku xiran yihiin, ogoow.”
Hadalka Xildhibaanka ayaa si weyn loogu fasiray digniin siyaasadeed oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamaya in xasilloonida caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ay si toos ah ugu xiran tahay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan deegaanka Wardhiigleey ee Muqdisho.
Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa hadalkan u arka mid xambaarsan fariin siyaasadeed oo qoto dheer, kuna saabsan in aan Galmudug loo adeegsan dano siyaasadeed oo ka yimaada dowladda dhexe, gaar ahaan Villa Somalia.
Sidoo kale, hadalka Saadaq Jorn ayaa loo fasiray inuu garab istaag u muujinayo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), xilli ay isa soo tarayaan hadal-heynta la xiriirta faragelin siyaasadeed oo la sheegay inay ka jirto hanaanka maamulka iyo hoggaanka Galmudug.
Qaar ka mid ah dadka siyaasadda ka faallooda ayaa aaminsan in Xildhibaanku uu si gaar ah uga soo horjeedo in Galmudug laga dhigo meel laga hago siyaasad ay si toos ah u maamusho Villa Somalia, taas oo muddooyinkii dambe si weyn loo hadal hayay.










