LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Baydhabo oo mar kale qarka u saaran dagaal, ciidamada Laftagareen oo…

Xiisadda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib markii warar maxalli ah ay sheegayaan in ciidamo Darawiish ah oo taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen lagu arkay deegaanka Ceel Doon, oo ka tirsan duleedka magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo ciidamo ah oo taageersan Laftagareen ay maalmihii lasoo dhaafay ku soo dhowaadeen aagagga ku hareeraysan Baydhabo, taas oo dhalisay walaac laga qabo in xiisadda hubeysan ay mar kale qaraxdo.

Lama oga weli in dhaq-dhaqaaqa ciidamada uu yahay qorshe weerar cusub ama xoojin loogu sameynayo fariisimaha ciidamada ee ku yaalla duleedka magaalada.

Baydhabo ayaa waxaa horay uga dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo federaal ah iyo xoogag la safan Laftagareen. Dagaalkii ugu dambeeyay ee 3-dii September ayaa sababay khasaare iyo barakac, iyadoo la sheegay in isbitaalka gobolka Bay uu daweeyay 71 qof oo dhaawac ah, halka hal qof oo rayid ah uu dhintay.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii garabka Laftagareen uu 24-kii September sheegay inaysan jirin wax heshiis xabbad-joojin ah oo uu dhinaciisu galay, isagoo sheegay in howlgalladoodu sii socon doonaan.

Dhanka kale, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Laftagareen ama maamulka Baydhabo oo xaqiijinaya in ciidamo cusub loo diyaariyey weerar magaalada lagu qaado.

Haddii dhaq-dhaqaaqyada ciidamadu sii socdaan, Baydhabo waxay mar kale wajahaysaa xaalad amni oo xasaasi ah, iyadoo labada dhinac ay weli isku hayaan maamulka iyo mustaqbalka Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *