LATEST NEWSLOCAL NEWS
Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ah oo Hakiyay Boosaskii Agaasimeyaasha…

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda (NCSC) ayaa si sharci ah u ku dhawaaqay in la hakiyay dhammaan boosaskii loo xayaysiiyay Agaasimiyaasha Waaxda Maamulka iyo Shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga, Xasan Abshirow Maxamed, oo taariikhdiisu tahay 26-ka September 2026, ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka dhashay fulinta Qaraarkii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS) ee tixraaciisu ahaa GHSH/B-11/23/09/2026, kaas oo soo baxay 23-kii September 2026.








