Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Magacaabis Sameeyay (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay laba Agaasime Guud oo ka hawlgeli doona Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Labada Agaasime Guud ayaa loo kala magacaabay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, iyadoo magacaabistooda ay qeyb ka tahay dadaallada lagu dardargelinayo howlaha iyo shaqada hay’adaha dowladda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimayaasha cusub faray inay si degdeg ah u bilaabaan shaqada, isla markaana ay dardargeliyaan howlaha wasaaradaha loo igmaday.
Magacaabistan ayaa kusoo beegmeysa xilli Dowladda Federaalka ay waddo qorshayaal lagu xoojinayo hannaanka maamulka iyo waxqabadka hay’adaha dowladda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kheyraadka biyaha, isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.











